Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Madaxweyne Tayip Erdogan Oo Ka Baxay Jawgi Aamusnaanta Iskuna Magacaabay Taliyaha Xooga Dalka Turkiga

Wednesday - August 17, 2016



War ka soo soo baxay dinacyada war-baahinta Dalka Turkiga ayaa lagu sheegay in xafiska madaxtooyada dalkaas kadib marku maskaxdiisa rog-rogay iyo saraakiil shar un ka talineysa aan joojineyn isla-weyni iyo kursi u qooq, ayuu soo saaray wareegto qeexaysa in madaxweye Erdogan u wixii maanta ka dambeya u isagu yahay taliyaha xooga dalka Turkiga, waxaa kalo ay sheegeen in boqolaal ka mida ciidanka amniga oo daacad daro lagu tilmaamay shaqadi ay hayeen shaqalka loo taagay, isla markaana hawlgab laga dhigay 2000 boliska qaranka, kuwaaso dhamaantooda looga shakiyey iney ka hawlgaleen tabcadi afgambiga dhawaanta dhicisoobay

Waxaa kalo wasiirka cadaalada dalkaas tilmaan ka baxshay in xaalku sidi hore usan ahayn oo wajiyaal cusub oo darban aqoon-yahan ah isu bahaystay wadaninimo meel walba oo xafiisa la fariisiyey

 Waxaa kalo wasiirku xusay in xabsiga dhexe laga si daayey 38000 maxbuus oo si shuruud damiin iyo kafaalo amni lagu si daayey .. waxaa wasiirka u sii qeexay in la magacaabay 4000 qaadiyaal cusub iyo xeer ilaaliye guud, taaso ka dambeysay in horay shaqada looga saaray 81-kun shaqaale isugu jira qaaliyaal Maxkamadeed iyo kuwa madani ahba.