|
Waalidka waa tiirdheexdka ummaddkasta oo aduunka ku nool, waalidka waa barbaariyaha mustaqbalka jiilka imaan doona, waalidka ha xummaado ama ha fiicnaadee waa waalidkaa.
Markaad maqasho erayga waalid waxaa maskaxdaada ku soo dhaceyso dhowr qof, balse aniga qoraalkeyga waxaan kala dan leeyahay, labo qof waa hooyo iyo aabo, oo haddey saas tahay, maxey kala tahay xaquuqdooda ama sida lagu kala saari karo xaquuqdooda, aabuhu waa nin rag ah, ilaahay wuxuu u dhaliyey adeyg iyo calool adeyga aysan hooyada laheyn, sidaas darted ayuu xaqiisa ugu sara maray hooyada, nabigeena NNKH markii aabaha xaqiisa uu tilmaamayey wuxuu ku sheegay 1mar, balse hooyada wuxuu nabigeena NNKH ku sheegay sedex jeer.
Oo haddii ay saas tahay maxaa na looga baahan inaan sameyno, waxaa qasab nagu ah inaan waalidkeena ka duceysano, baari u noqo, wax walba oo dhibaayo ka ilaalino, waayo waalidka ducada waa laga gataa, sidee lagooga gataa aniga ayaa kuu sheegayo ee si qoto dheer u eeg warka aan ku lee yahay, haddaad dooneyso inaan ka gadato walidkaa ducadda ka farxi wax walba oo uu ku farxaayo samee, wixii uu ka xanaaqayo ka ilaali waalidka mar walba oo farxad leh aad sameyso oo uu farxo niyadiisa ayaa kuu duceyneyso.
Waxaan u maleynaa warka seetadda ayuu goostay, bal aan isku dayo inaan soo gaabiyo ama aan gunta u dhaadhaco, rag badan oo soommaali ah ayaa ka hadlay hooyadda iyo dhibka ay caruurta ka marto, dareenka hooyada rag badan ayaa gabayo ka tiriyey.
Waxaa aad ii soo jiitay sheeko cajiib ah oo uu gabay ka tiriyey abwaan maxamed ibraahim warsame “hadrawi”. Hooyo soomaaliyeed oo hal wiil un ka heystay aduunka, ayaa wiilka hooyadiis hal maalin xitaa sii haleeli weynayaa. Hooyo waxey tiri, ayada oo tabaneyso xanuunkii ay ka soo martay caloosha ku heysay:
Caloosha intey ku heysay Hiyiga ku baxnaanineysay Haraadka intaad jaqsiisay Dhabteyda intey ku heysay Intaan dusha kugu heesay Hawraaha kugu amaanay Hadhuubada aan ku siiyey Habniin adigoo ku diidan Intaan hanbo kuu daboolay Adoo haqab beel ku seexda Ilaashay hareerahaaga Hungaa I xasuusineysa.
Bal eeg dhuux si qoto dheer u darasee miraha gabeygan, waxaad ka dareemeysaa hooyadan iney xanuun badan ka soo martay soo kurintii wiilka, balse marka habeyga sidas ay ku lee dahay hooyada kama shaleysana wiilkeedda waxa ku dhacay balse waxey tuseysaa dhalinta hadda soo kaceysa, in waalidka gaar ahaan hooyadda, ay bartaan dhibka ay ka soo marto ubadka ay dhashay. Waalidka markuu arko caruurtiisa oo aan tixgalin sineyn ama aan sidii la rabay u xanaaneyneyn, wuxuu ka doortaa inuu wax walba oo amaan ah iska siiyo, si dadka uu uga qariyo wiilka xumaantiisa hooyo waxey tiri:
Halyeynimadaada sheelan Habawgiyo dhiirintiisa Ayaan halis kuu tuseyne Intaan kugu hoodo daalay Intaan kugu hoodo sheegtay Intaan habla kuugu faanay Hilaado fog bey aheyde Inaan hafarkaaga qaato Sidaad ku heyshaa dadweyne Habaaska inaan cantuugo Adoo hanadaan ka doorta Xageyga hibaan ku saaray aniga ku habaariyo mayo.
Cajiib mar walba waa cadaada hooyada iney sidaan u hadasho, balse karti darada heysata dhalinyaro badan iyo mangaabnimadda ayaa sababeyso iney waalidka rafaddaan, ubadkiina uusan waxba ka ogeyn qofkii aduunka keenay dhibkaas badan ka soo maray korintoodda, fikir maskaxdaada adeegso ma waxey kula tahay adiga oo waalidkaaga aan ka duceysan inaad aduunka nolol raaxo leh ku noolaaneyso, maya waligaa raaxo arki meysid, maalin walba caqab iyo murugo joogta ah ayaa hortaadda imaaneyso, maalinta qiyaamona naarta ayaa laguu taxabeyaa, waayo waalidka dartiis ayaa janadda ku weysay.
Waxaan nafteydda iyo dhamaan dhalinyaradda soommaaliyeed meel walba oo ay joogan kula dardaarmi lahaa iney iska ilaaliyaan waalidka oo ay ka duceystaan, waa iga codsi, waayo waalidka gaar ahaan hooyaddu waa lama hurraan.
By: Iidiaamiin.
|