|
Waqooyi Ameerika "Canada- America " : Kulamo Aqoon yahanno iyo wax-garad ka soo jeeda beesha Tanade oo ka gaabsaday in waqtigaan la shaaciyo magacyadooda ayaa dhawaan shir telefoon oo ay yeesheen waxa ay isla garteen, in maanta ay munaasab tahay in sida ugu dhakhsaha badan loo qoro dastuurkii iyo sharcigii lagu dhisi lahaa dawlad goboleedkaas, laguna maamuli lahaa shacb weynaha degaamada ku leh Gaalkacyo, Galdogob iyo Nawaaxigeeda.
Sida la xuseyna dastuurkaas waxuu noqon-doona mid leh qadar madax banaani oo ay faragalin karin dawladda fedaraalka, waxaana lagu soo qaaday in caasimada maamul goboledkaas ay noqoto qayb ka mid ah degmada gaalkacyo oo ay deganyihiin una badanyihiin Beeshaas, iyadoo go'aanka meel marinta caasimada ugu dambeyn ay yeelan-doonaan Ugaaska iyo golahiisa shuurada.
Taasi oo ay u arkaan in ay tahay mid maanta iyo mustaqbalkaba wax weyn ka tari karta horumarka, siyaasadda iyo dhismaha dalkooda, waxana ay aad u dhalliileen maamulka la baxay Puntlaand oo ay u arkaan in ay 99% ka soo jeeddo qabiil kaliya. Hadday ahaan lahayd Xukuummadda, Golayaasha iyo Maamulada, oo Caddaalad darrida loo kala sad-bursadayna ee aan saami qaybsi sax ah ahayn.
Waxa ay dusha uga tuureen, In degaannada Xariir ee hoos yimaadda maamulka Puntlaand waxa ay ku tibaaxeen mid aan la qaadan karin, isla markaana daciifnimo ku ah Ummad dhan oo awood u leh in ay iyadu iskeed wax u qabsato.
Haddaba, sida la wada ogsoon yahay waxa ay dad badani aamminsan yihiin in aanu shaki ku jirin, in mustaqbalka dhaw la filayo, in dhammaanba dalka Somaliyeed uu yeelan doono qoqobyo Maamul Goboleedyo ku salaysan qabiil, Isla markaana yeelan doono Dawlad Guud, oo ka koobnaan-doonta Golayaal iyo Guddiyo Xiriiriya Maamulka la wadaagi doono, Isla markaana wax loo qaybsan- doono hab-maamul-goboleed, Qabiilkii aan maamul goboleed lahayna uu daba joog noqon doono, ciilna la hogandoono, waxaana hubanti ah in wixi sharci lagu heliwaayey shanta lagu helidoono.
Si kastaba arrini ha ahaatee carabkii qoyani waa hadla, Reer Tanade ma waxay kala taabacsanan-doonaan hadba maamulada hal qoys oo hadba is badalaya, ee diidan xita iney na siiyaan Wasiir sharafeed oo dhamaan dawladda iyo goloyaasha aan ka nahay 0% , Mise sida shirkani lagu sheegay ayaan taageernaa in aan maamulkeenna yeelano, oo aan aayaheenna ka tashanno, Erayadaasi waxa ay ahaayeen kuwo soo noqnoqnayey intii uu shirku socday, waxaana goobta lagu xusay laguna ammaanay fikrada maamul goboleedka oo bulshada deganadaas horay uga sharqamiyeen iyo baaqi dhawaan dhalinyarada qurba jooga ay ka soo saareen koobka nicmada ay reer gaar ah fuuqsanayaan, waxay carbka ku dhufteen ammaana ay u soo jeediyeen shabakada Galdogobtimes.Com oo sidi hilac biligleeynaya u noqotay beesha kaalina ka qaadatay soo bandhigida danaha iyo codka beesha.
Intii uu shirkaasi socday ayaa lagu lafa gurayey aragtiyo badan, gabagabadiina waxa la guddoonsaday qodobadan hoos ku qoran:
1. In la diyaariyo shirweyne guud oo lagu dhiso Harir State of Somalia.
2. In Inta shirkaa ka horreysana in la wacyi geliyo dhammaanba qaybaha bulshada ee Tanade oo meel kasta ku nool.
3. In mar walba lagu dadaalo nabad kula noolaashaha qabiilooyinka jaarka iyo maamulada dawladaha dariska ah, Sida Puntlaand , Galmudug iyo Itobiya " kilinka 5aad"
4. In danta Xariir iyo midnimada bulshada reer Tanade meel walba loo maro, dhagax walbana loo rogo, labo halki lagu joogana mashrucaas laabta laga ogaado.
5. Waa in fekarka iyo falka la is-waafajiya
6. In la taageero, wax kasta oo wanaag ah oo ummadda Somaliyeed loo qabanayo.
Galdogo Times News Desk
|