|
MR .Abiib waa nin dhalinyaro ah,oo leh hibooyin gaara oo ilaahay kumanaystay haday ahaan lahayd dulqaad,qalbi wanaag samaan,dad la dhaqan ama ha ahaato umad inaga dhaqan, midab, iyo diin duwan ama ha ahaato kuwo intaba aynu wadaagnee waa nin ay u sahlantahay in uu fahmo oo la dhaqmo.
Taa macnaheedu waxaa weeye waa shaqsi leh hanaan hogaamin oo cidwaliba fahmi karto iyo xirfad buuxda.hadaba qaabkan hogaanka ah in umad kala duwan meel laysugu keeno oo la hogaamiyo ayadoo loo adeegayo bulshada lana saacidayo waa mid kuxiran,qofka oo jecel isla markaana u bisil u adeega bulshada una heelan oo jecel in uu caawiyo qof walba oo arin dhibaato haysato.
Waxaa intaa dheer lahaansho aqooneed oo qofku barto dhaqamada kala duwan iyo waxyaalaha laxariira isfahamwaaga ka iman kara dhanwalbaba.
Dhibaatooyinka caruurta soomaaliyeed ee dagan Helsinki iyo nawaaxigeeda
Waxaa kajira dalalkan horumaray ama galbeedka ama yuruba dhahoo dhaqamo admoodo inay kabadalan yihiin kuweenii ama dalkeena kajiray tusaale ahaan xaga caruurta korintooda iyo waxbaridooda waynu kukala duwanahay ayadoo dalalkan laga yaqaan qaabka qoysasku inay kakooban yihiin 1-2 caruur ah aabe iyo hooyo ayagoo aamin san fikirka ah in hal ama laba caruur ah uun laga fikiro masuuliyadooda xaga waxbarashada iyo koriishahaba.inagu waa kabadalanahay oo diinteena iyo dhaqankeenuba waxay nafarayaan inaan korinkaro waxna bari karo caruur intii alihaay nasiiyo.
Wadamadan caruurta waxa laga fikirayaa in lagaarsiiyo inay noqdaan kuwo leh xirfad,iyo aqoon ay kushaqaystaan markay waynaadaan isla markaana waa mustaqbalkii ama madaxdii barito ee umadaan.waxa layiri hadaad rabto mustqbalka wadan inaad fahanto caruurtiisaa la eegaa. sidaa daraadeed wadankan caruurtiisa waxaa loosameeyay qorshayaal jihayn ah ooloogo hortogo in cartuutu kaleexdaan waxa lala tiigsanayo oo ah inay waxbartaan kadibna bari anfacaan mustaqbalkooda iyo dalkoodaba.
Arinta halista ah ee laga hortagayo ayaa waxay tahay dhibaatada sigaarka,khamrada,saaqidida xaga iskuulka,daroogada,caruurta oo dhibkaan ku dhacdaa waxay keenaysaa inay ka haraan waxbarashadii iskuulkii.si arintaa looga caawiyo caruurta dalkaan waxaa loo sameeyay hay ado iyo ururo isxilqaamay marka dawlada laga reebo oo u taagan in ay caruurtooda wacyi galiyaan,oo ku baraarujiyaan dhibaatooyinka keeni kara inay nolasha ka dhacaan,dhan caafimaad,dhan waxbarasho intaba.ilamaha waxaa lagala dagaalamayaa in aanu noqon danbiile xabsi iyo jeel kudanbeeya.
Hadaba inaga bulshadeena malaha hay ado iyo ururo udaacad ah oo lakaashada dawlada oo haga caruurteena soomaaliyeed ee ku nool degaankaan.markuu arkay mr abiib isagoo kaashanaya waayo aragnimadiisa iyo aqoontiisa xirfadeed ee arimahaan la xariirta waxa uu aad u darsay dhibaatada caruurta soomaaliyeed oo inbadan oo kamid ah suuqa taag taagan yihiin oo aysan haysan dad baraarujiya oo waqtigooda u qaybiya.waxa uu arkay in ay inbadani u leexdeen dhanka balwadaha iyo suuq meeraysiga oo ay lasocdaan caruuro suuqa ku jira oo cayaal suuq ah kuwaasoo uduufsanaya dhanka cabida sigaarka,khamrada,daroogada arinta oo keeni karta dhalinyaradii inay galaan xabsi oo ay noqdaan danbiilayaal,halkii ay waxkabaran lahaayeen.
Caruurtu ama dhalinyaradu maxuma badankoodu ee marka la eego bulshooyinka kale waxaad moodaa inay caruurahoodii jiheeyeen balse soomaali hadaanahay ma aruursanin umana dhuundaloolno aayaha ubadkeena soomaaliyeed waxaynuna ufikiraa ninwaloow naftaa.hayeeshee mr abiib waxa uu sameeyay asagoo kaduulaya arintaa iyo dhibkaa kor kuxusan,in uu usameeyay caruurta soomaaliyeed 3 goobood ama xarumood oo lagu wacyi galiyo xiliga ay waxbarashadooda kasoobaxaan ay kunastaan,wax kubartaan qorshayaal loogu sameeyo haday ahaan lahayd ciyaaro ayadoo lafiirinaya cidwalbaa waxay jeceshay ama kufiicantahay inay ciyaarto qaybaha sportska ee kaladuwan,dhalinyarada waxaa looyeelay hiwaayad kuhaboon,taasoo keentay in suuqii ay meeraysanayeen iyo qorsho la aantii ay kabaxeen lana midnoqdeen asaagood.
Waxaa xusid mudan mr abiib inaysan dadbadan arintaa qiimaheeda kubaraarugsanayn laakiin dalkaan waxaa lacadeeyay intii dhalinyaradii la jiheeyay inay aad u yaraatay dhalinyaro soomaaliyeed oo danbi gala ama suuq taagtaagan macno daro.waxayna arintani yaabku abuurtay bulshada finishaka ah ee u dhuun dalooshay arintaan kuwaasoo bilad sharaf xaflad si wayn loo soo agaasimay ayna isugu yimaadeen madaxda magalada Helsinki madaxda wasaarada Arimaha bulshada iyo caafimaadka kuwa Laan Qayarta Cas iyo aqoon yahano kala duwan ku gudoon siiyay ninkan iskaleh fikirkaan ee bulshadiisii kor uqaaday waxayna kula kaftameen mandeelihii waxaa tahay soomaaliyeed!
Dhanka dadka waalidiinta iyo waayeelka
Waxaa uu usameeyay goobo ay kukulmaan,kuna sheekaystaan oo ay uga hadlaan danahooda iyo kuwa caruurtoodaba xogtana kukala qaadaan waayeelka iyo waalidiituba.waxaa uu udalbay goobo xiliyo gaara ay dumarka soomaaliyeed sigaara ugu dabaashaan madama goobaha dabasha lawada wadaago ama ay qiimo qaliya tahay in gaar loo kiraystaa arintaa wuu kasaaciday bulshada oo usoo dhameeyay.
MR abiib waxa uu aad ugu kalsoonyahay soomaalinimadiisa waxa uuna jecelayhay in uu arko soomaali oo baraarugsan oo hal u ah sidii ay wadankaan wax ula qabsanlahaayeen ayagoo isku duuban waa shaqsi leh aragti dheer oo aan ku mashquul sanayn arimaha dalkeeni iyo dadkeenii baabi iyay oo ah qabyaalada iyo goboleeysiga,waa nin dadku isimanyihiin soomaalina hal utahay.waxaa yar in lahelo waayadan aqoonyahano sidan ufikiraya tanoo kuu muujinaysa inay wali jiraan dad wadaniyiin ah oo soomaali ah.waxaa layiri 'sida loo ila yahay looma Alle laŽa'.
Waxaan urajaynaynaa bulshada soomaaliyeed ee dagan Helsinki inay u istaagaan inay codkooda siiyaan aqoon yahankooda u taagan habeen iyo maalinba danta iyo hormarka dadkiisa soomaaliyeed si uu ugu guulaysto in uugalo kana mid noqdo xubnaha golaha deeganka helsinki.waxaa horay inoogu jiray hal qof taasoo waji gabax inagu ah soomaali ahaan madama aynu tiro farabadan kudaganahay magaalada waxaa layiri' meel ama kamaqnoow ama ka muuqo'.
Waxaa uu balan qaaday aqoon yahanka dada yar laakiin maskaxda weeyn lihi in uu wax kaqaban doono wax yaalaha hoos kuqoran.
1. Dhanka wacyi galinta dhalin yarada sare uqaadida waxbarashada,sportska.
2. Shaqo uraadin dadka xirfadaha leh iyo kuwa kalaba iyo jihayn ku haboon.
3. Dadka dalbaday dhalashada in gacan lasiiyo,lagana caawiyo arimahaas iyo wii kusaabsan sharciga daganaan shaha guud ahaanba iyo wixii laxariira. 4. Dhibaatooyinka waalidka ka haysta isfahan waa dhanka xafiisyada arimaha bulshada ama iskuulka ama afka finishka oo laga caawinayo.
5. Dabaal u gaara dumarka xiligay doonaan.
6. Latalin waxii kusaabsan arimaha bulshada oo qofku ubaahan yahay in laga caawiyo.
7. Guryaha oo qofwalba haduu yahay qoys balaaran iyo haduu yahay qof kaliyaba lasiinayo guri kufilan sida ugu dhaqsiyaha badan.
Gabagabadii Waxaan leenahay wadamadan waxaa wax lagu noqdaa oo xuquuqdaada lagu dhacsadaa buslshadana wax lagula qaybsadaa codkaaga ood dhiibato siisana meel ku haboon hadaba waxan leenahay dr abiib isagoo aan bulshadiisa cod kahelin cidina aanay dirsan ayuu iskiis iyo damiirkiisa wadaniyadeed dartiis u istaagay oo u caawiyay bulshada soomaaliyeed,hadaba miyaynaan ahayn dad arintaa ka abaal guda oo maanta garta in aan codkeena siino aqoon yahankeena si uu dadaalkiisa iyo hawsha uu inoo hayay usii laban laabo? ileen danteenuu wadaaye.
Anagoo ah bulshada soomaaliyeed ee ku nool wadankan finland gaar ahaan helsinki iyo nawaaxigeeda, kana kooban qeybaha golaha odayaasha ,dhalinyarada,aqoon yahanada rag iyo dumarba,waxaan si buuxda oo wadajir ah codkeena ugu mideynay musharaxa u taagan golaha deegaanka caasimada Helsinki.
MAGAcYADA JAALIYADA SOOMAALIYEED EE HELSINKI EE TAAGERTAY MUSHARAXAN:
1.Axmed maxamed weheliye(axmed xiji) 2.Cabdiraxman maxamed jaamaca(shafka) 3.Xasan maxamed maxamud 4.Khooje axmed xaashi 5.guuleed xuseen sardheeye 5.Idirs xasan faarax 5.Maxamed muuse seeraar 6.Xuseen yuusuf geesdheer(qowdhan) 7.Maxamud saleebaan cawaale 8.Cali baashi maxamed 9.Cilmi yuusuf faarax 10.Yuusuf siciid xasan 11.Axmed cismaan jaamac 12.Maxamed faarax 13.Sugule saalax siciid 14.Maxamed bashiir maxamed 15.Ali muuse Ali (Suldaana) 16.Cabdulqaadir jaamac (camoow) 17.cabdirisaaq bulxan cigaal 18.Mahad salaad 19.cabdifataah maxamed asad 20.yaasiin cali gaas 21.Maxamed osmaan 22.Khaalid canshuur 23.Axmed cabdirisaaq bulxan 24. Siciid abshir ciye 25.Maxamed siciid abshir 26.cabdirisaaq jaamac 27.Cabdulqadir maxamed cabdi 28.cabdulaahi siciid xirsi 29.Liibaan cali axmed 30.cabdiqadar cali axmed
|