|
Wasiirka Jaaliyadaha Dibadda, Cabdullaahi Axmed Cabdulle (Azhari) ayaa xalay Somalida Toronto kula kulmay Hotelka Renaissance ee uu ku soo degey.
Xafladdaan oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka Somali Canadian National Congress waxa ay ahayd mid si aad ah loo soo agaasimay dad aa u far badan oo dhowr boqol ahna ay yimaadeen. Wasiirka waxaa kala qayb-galay kulankaan Xildhibaan Cali Xareed oo reer Toronto ah iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya – Danjire Maxamed Cali America.
Dadka xafladda ka soo qayb-galay ee joogitaankooda madasha kulanka la xusay, waxaa ka mid ahaa qaar ka mid ah duuliyayaashii oo ay wehliyaan shaqaalihii shirkadda Somali Airlines oo Wasiirka ay wada shaqyn jireen, Xildhibaanad Kanadiyaan ah oo lagu magacaabo Kirsty Duncan oo laga soo doorto xaafadda Etbicoke North ee Soomaalida Toronto ay u badantahay. Waxaa iyaguna aad u muuqday saxaafadda Soomaalida ee Canada, gaar ahaan kuwa Toronto.
Kulankii xalay oo uu xiriirinayey Siciid Faarax Ducaale waxaa wacdi ku furay Sheikh Sahal Xirsi isaga oo xusay baahida loo qabo dowlad iyo midnimo; waxaana dhinaca jaaliyadda Toronto u hadlay dad badan oo ay ka mid ahaayeen Nasir Cabdi Baalle, Garaad Haji Bood, Cabdinur Shiekh Abdisallaan, Cisman Aw Aadan, Xuseen Jama, Nakruuma, Halima Sacad iyo khadiijo Seyruuq.
Dhammaan dadkaasi waxa ay wasiirka u gudbiyeen hadallo soo dhaweyn ah iyo talooyin ku aaddan sida ay u wada shaqayn karaan dowladda midnimada Qaran iyo Jaaliyadda Canada. Xafladdii xalay waxaa aad uga dhex-muuqday haweenka Soomaaliyeed ee magaalada Toronto oo oo ruxayey Calamada Soomaaliya iyo Canada, gaar ahaan xilligii barnaamijka la bilaabay oo ay socdeen heesho, gabayo, geeraaro iyo shirib dadka aad u soo jiitay – oo intaba ay qaadayeen hablaha hobolada wabaari iyo gabdhaha abwaanada a hee Toroto sida Batuulo Axmed Gabballe, Sahra Haji Hassan iyo Nakruuma.
Waxaa ay dadku ugu riyaaqeen sacab bandanna loo tumay shirib ay qaadaysey Batuulo Axmed Gabballe kaas oo ay Wasiirka kula dar-daarmaysey in uu ka faa’ iideysto kaalinta iyo sida ay Qurba jooggu diyaar ugu yihiin dib u dhiska Qaranka. Sugganta haweenka Soomaaliyeed ay halkaas ka jeediyeen waxa uu aad u taabtay Xildhibaanada Canadianka ahayd oo tiri, af-Soomaliga in la ii tarjumo uma baahni sida uu yahay ayaan ugu raaxaysanayaa.
Waxaa si dhextaal ah loo daawaday filin muujinaya Soomaaliya sidii ay ahan jirtey waqtigii Qaranka la ahaa, filinkaas oo ay isku soo dubba rideen - daadihinayeenna Maxamed Cadar and Maxamed Cabdi.
Kaddib markii ay hadallo kala duwan oo jeediyeen odayaal, haween, marti sharaf badan iyo masuuliyiin ay ka mid yihiin Danjire Maxamed Cali America iyo Xildhibaan Cali Xareed, waxaa hadalka qaatay Wasiirka Soomalida Qurbaha, C/laahi Azhari, waxu uuna sheegay in aanu horay uga qayb-gelin kulankaan mid ka maamuus badan uuna aad ugu farxay sida loo soo dhaweeyey.
Intaa kaddib waxa uu Wasiirka dadkii u sheegay in oo salaam uga wado Madaxweynihii iyo Wasiirkii 1-aad aadna loogu hanweyn yahay Soomaalida dibadda gaar ahaan kuwa Canada iyo Toronto. Hadaladii Azhari waxaa ka mid ahaa, “Walaalayaal Wasaaraddaan hal qof oo aniga ah ayaa ka shaqeeya”, isaga oo ku sii daray “waxaana jeclahay in shaqaalaha oo dhami ay noqdaan dadkiinna qorbaha”
Wasiirku waxa uu sheegay in intii uu joogey uu soo booqday saddex masjid oo magaalada ku yaalla, uuna jecel yahay in uu tago cisbitaalada ay ku jiraan dadka buka, xabsiyada ay dhallinyarada Soomaalidu ku xiran yihiin iyo iskuulada ay ardada Soomaaliyeed wax ka bartaan.
Wasiirku waxa kale oo uu tilmaamay in uu ugu yimid Soomaalida Canada iyo Toronto “Wada tashi” isaga oo sheegay in uu meelo kale sii mari doono.
|