LA OGAAYOO GOROYO HAAD BAY NOQOTAY.
Puntland waa dal ballaaran oo ka bilowda gobolka mudug kuna dhamaada gacanka Cadmeed ama Raas Xaafuun. Gobolkaan oo aan lahaan jirin wax muhiimad dhaqaale ah, gaar ahaan dhinaca kheyraadka beeraha , mudadii soddonka sano ahayd ee ay jireen dowladihii kala danbeeyay ee dhexe oo Muqdisho xarunta u ahayd. Dadkii u dhashay badankoodii waa ka guureen, waxayna u yabaaleen gobolada koonfureed sababo badan owgood. Boowe bari laga raysayna waxay ahayd hal ku dhag caan ah oo muujinaaya inaan goboladaasi mudnay in la daganaado, dadkiisiina ka maarmay. 1991, markii qarankii Soomaaliyeed burburay, Soomaalina reer reer isu gumaaday, ayaa dadkii puntland asalahaan ka soo jeeday wixii ka badbaaday colaadaas sokeeye, ayaa dib ugu laabtay goboladaas oo noqday Xas badbaado.
1998, ayaa seddex urur siyaasadeed oo ka soo jeeday degaankaa oo kala ahaa SSDF, SNDU iyo USP, waxa ay ku heshiiyeen in markaan ay habboontahay in la sameeyo maamul goboleed la magacbaxay Puntland oo ay wadaagaan dadka u dhashay dalkaan dheefteeda iyo dhibteedaba inta dowlad guud oo Soomaali midaysa la helaayo. Waxaa la sameeyay maamul dhamaystiran lehna madaxweyne, madaxweyne ku xigeen, wasiiro, baarlamaan, Maxkamada sare, agaasimayaal guud, taliyaashii ciidamada Daraawiishta, taliyayaashii qaybaha booliiska gobolada, gudoomiyayaashii gobolada iyo degmooyinka,Maareeyayaashii guud ee dekedaha iyo gagooyinka dayuuraduhu cagadhigtaan iyo jagooying kaloo badan.Cabdullahi Yusuf Axmad ayaa loo doortay madaxweynihii maamulkaas, la yirina soo dhis dowlad wadaaga. Waxaa wax lalayaaba’ah, xishood la’aanta, hunguri xumada iyo dhaqanxumida uu wax u soo aqoolay ama u qaybiyey, dhamaan dowladii iyo baarlamaankiiba waxaa qaatay SSDF. Cabdullahi Yusuf, hantidii dalka wuxuu u isticmaalay seddexdaan qaybood oo kalah, Wuxuu isku daaweeyo, wuxuu isku sharaxo oo ku raadsado kursi madaxweynenimo Soomaaliyeed iyo wuxuu guryo uga dhisto England, Dubai iyo Yemen.
Dhowr dayrood ka dib, ayaa Cade Muuse taladii ka dhaxlay Cabdulaahi, arintiina waxay noqotay ka dar oo dibidhal. Cadde wuxuu burbursho mooyee waxba ma dhisin. Tusaale ahaan, dalka nabadgalyo wanaagsan ayaa taalay cadde ka hor , nabadaas waa la waayay. Hantidii ummadana si ka daran sidii Cabdulaahi ayuu u boobay, waxaana ka dhacday Aagaamaha Ka buuxsada Dhowaan ma arkidoontaane. Waxaa intaas oodhan ka sii daran Cadde, dhulkii Puntland gobolo ka mida ayuu Soomaaliland iyo Xabasho kula saaxiibay. Sababtoo ah markii garaadada Sool u yimaadeen kuna yiraahdeen, “war dalkii waa la qabsaday”, Cadde wax jawaab ah masiinin Isimadii ka soo jeeday goboladaa. Warar lagu kalsoonaankarana waxay tibaaxayaan, in Cadde, Zinawi iyo Riyaale Kaahin ay ku heshiiyeen in gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ay Soomaaliland qabsato, si ay u hesho aqoonsi caalami ah, Cadana waa aqbalay warkaas amxaarku soo jeediyay.
2008,sidii caadadu ahayd, ayaa C/maan Faroole ayaa xoog loogu sharaxay taladii puntland ayadoon wax doorasho ah oo xaqa ayna dhicin.Waa la caleemo-saaray C/maan Faroole sidii boqoradii Carbeed, heshiiskuna wuxu ahaa in la wadaago talada dalka ee maahayn in hal qoys kala dhaxlo. Faroole wuxuu balanqaaday inuu wixii madaxdii ka horeysay ay qaloociyeen uu toosindoono sida nabadgalyada, joojiyana boobka lagu hayo hantida ummada, soo celiyana gobolada maqan. Sida aad ogtihiin, mudadii sanadka ahayd ee maamulka faroole joogay Garoowe, Puntland waa sii darsatay khaas ahaan dhinaca nabadgalyada. Tusaaleahaan, magaalada Gaalkacyo ooah xarunta ganacsiga ee puntland wax sharciahi kama jiro, dilka, dhaca, kufsiga iyo qaxu waxay ka midnoqodeen nolol maalmeedka dadweynaha magaaladaas. Waxaa kaloo Gaalkacyo u dheer colaada sokeeye, Xabashada oo dadkii muwaadinka ahaa kala baxaysa guryahooda ayadoo gacan ka helaysa maamulka faroole. Waxaa wax laga yaqyaqsado ah oo nin raba inuu Soomaali u taliyo uusan ku dhicin, warkii dhowaana uu faroole ka baahiyay warfaafinta adduunka oo uu dhowaan yiri “dadka reer Ogaadeenya maaha Soomaali, balse waxay ku hadlaan af Soomaali”. Soomaalidu waxay tiraahdaa, nin daar muraayada ku jiraa dhagax matuuro. Waxaa masalo aanan maqal ah, meeesha ninka jooga Doollo iyo Dhagaxbuur, oo wadaniga ah uusan Soomaali ahayn, oo nin badalay jinsiyadiisii oo dal kale paasaboorkiis wataa uu Soomaali yahay. “ Gacalow ka joog xaajada aad gacantogaalaysay, haddii kalase adaa ugoiye gabayga aashaa dheh” ( Maxamad Fiin ).
Waxaa taas ka sii daran, falkii la isku dayay in lagu dilo gudoomiyihii Golaha shacbiga ee Puntland mudane C/rashiid Maxamad Xirsi bartamihii bishii Decembar, 2009, Iyo Madaxweyne xigeenkii puntland C/samad Cali Shire, oo ka sii horeeyay. Warar hoosaadku waxay sheegayaan in falkaas dadkii fuliyay iyo kuwii ka danbeeyay ay wali ku suganyihiin magaalada Garoowe, ayna ka midyihiin dad ka mida maamulka hadda jira iyo maamuladii hore, lana yaqaan ayna yihiin lama taabtaan. Arintaas wixii lagu dawaynlahaana dowlada faroole ayaa laga sugayaa sida ugu dhaqsaha badan, inuu gacan ku dhiiglayaasha maxkamad uu soo taago lana laayo. Haddii kalese, “Hadhaw yaan nala eersan markii tallo eynfaado” ( Jeeni-haar ).
Hadal iyo dhamaantiis, maamulka Kulmis ee Garoowe waxaan ku sifeeyay dibigii geesaha waynaa oo aan hooska lo’dana aan u ogolayn inay harsato, asaguna aan harsan ee markii lo’du dareerto kadaba dhaqaaqah. waxa aad ku sugantihiin maanta, dadka reer SNDU iyo USP yow, waa geeri iyo nolol dhexdood. Meel nin sharafleh u qalantana maaha ee waa inaad reeryada iska rogtaan, aadna carruurtiinana uga dhimataan dhaxal adag oo ay ku faanaan. Haddii aydaan maanta khaladka jira aydaan sixin, waxaad ogaataan inaad idinku gunnimada ka raalitihiin. waxaa aad dhashaana dariiqaas aad idinku qaadeen ayay qaadi, waayo ma yaqaaniin wado kale.
“ Nin dharbaaxo quureed dugsaday dhaqayadeed maalye, dhashaaday sugtaa xaajadaad dhowrataa abide” ( Salaan Carabay ).
Waxaad ogaataan inaad dalka idinku iska leedihiin, oo aydaan nina marti ugu ahayn xaqna aad u leedihiin inaad qaybtiina qaadataan sida aad idinku ku qanacsantihiin. Haddii ay SSDF diido wax qaybsi dhabah waxaan idinkulatalinayaa iaad qaadaan tallaabooyinka soo socda:
Inaad ka go’daan puntland, aadna iskiin isu taagtaan. Inaad raadisaan Soomaali wayn isu soo celinteeda. SNDU iyo USP waxaad ahaydeen labadiinuba horseedkii gobanimada Soomaaliyeed, hogaana u ahaayeen Daraawiish iyo Leego, oo ahaa aabayaashii qarankii Soomaaliyeed ee dumay. Waa Inaad soo dhawaysaan cidkasta oo rabta inay ku soo biirto maamulkiina cusub, sida Galmudug, Ximan iyo Xeeb, Hiiraan iyo Jubooyinka. Waa inaad ka shaqaysaan markale, dhidibadana u taagtaan calankii buluuga ahaa Soomaaliyeed Waxaan ku soo dabrayaa qoraalkaan gabaygii Ayax Maxamad Dhowre oo loo yaqaanay ( Ayax Dhowre) waana gabay ergo iyo digniin ah kana hadlaya waxa maanta ka jira puntland oo ku salaysan qab qab dhaafay , is qaadqaad aan meelna gaarsiisnay, saldano jacayl aan cidkale waxba loo ogolayn, doqonimo, jaahilnimo iyo xaasidnimo qotodheer. Gabaygiina waa kan:
Qab-qab dhaafay bay laba qabiil qaran ku waydaaye
Qardoofo iyo nimaan qaadan buu, qamar ka duulaaye
Wuxuu Ceel-cad qiiqu uga karay, qaawin gabareede
Waxa qoora goys dhigay Sur-yare qooqii loo dilaye
Qooraha waxaa looga simay, waa isku wada qayre
Qayaad iyo Bahararsame horaad, rag isu qoonteene
Gabdhahiina nimankii qabaad, kala qatowdeene
Qaxar iyo dhibaa loogu go’ay, la qosolkiiniiye
Kol haddaydaan quursiga xun iyo, qaxarka daynaynin
Wax qiraal ah inaad maalinuun, qaran dhacaysaane
Qabkaad mudug la joogtaan rag, waa isku qatalmaysaane
Waa qaydar law kaaga go’ay , hadalka qaarkiise
Qabkii ina Xaliimoo kalaad, iga qodaysaane
Qabbaanimo ninkii iga rabiyo, ii qasaal marada
Qadartaas Illaahay iguma qaban, qoodhyo Xeradaye
Waxaan adiga kugu quudinjiray qolo kalaan siine
Wallee nimuu Illah quudiyaan, cidi ka qaadaynin
Wallee nimuu Ilaahay qadshaan , qolo wax siinaynin
Wallee nimaan Quraan baraninbaan, qaali noqonaynin
Wallee qaaxo nimay hayso baan, soo qufuci waayin
War xaajada qumaatiga ah baa, la igu qaataaye
Kolse haddii qalooc hadalku galo, waan qaraarahaye
Wallee nimaan is qabannoow wanaag, igama sii qaaddid
Suleiman Abushanab
This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
|