Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Beelihi Shalay Dagaalka Is Ku Doox-Dooxay Xagaa Iyo Baladweyne Oo Weli Is Hor Fadhiya

Sunday - Feb 12, 2012

Dagaalkii cuslaa ee shalay ka dhacay magalada Baladweyne ayaa saaka la leeyahay xaaladu waa degntahay waxaana la sheegay in goobihi shalay dagaalku ka dhacay laga helay meydad tira badan oo meesha yaalay haba u badnaadeene beesha gaal-jecel oo iyadu sida ay sheegeen marki hore dagaalka soo qaaday, dabadeedna ay isugu tageen itoobiyaanka iyo beelaha inta kale 

Dhinacyadii ku dagaalamay magaalada oo kala ah ciidamo beeleed ka soo jeeda bariga Beledweyne gaar ahaan beesha Gaal-Jecel oo iyadu wax saluugsan iyo ciidamada Dooxada Shabeelle oo ka kooban beelaha inta kale sida beesha xawaadle iyo jajeelo oo hawlgal ahaan ku tiirsan ciidamada itoobiya ayaa weli is horfadhiya waxayna ku kala sugan yihiin labada qeybood ee magaalada.

Inkasto horay la isugu dayey labada dhinac in la kala dhex galo oo lagu fashalmay hadana illaa hadda ma jiraan wax dadaalo ah oo loogu jiro xabbad joojin la kala dhexdhigo labada dhinac, taasoo ka dhigan in dagaal kale uu markasta ka qarxi karo magaalada,

Afhayeenka Dooxada Shabeelle Maxamed Nuur Cagajoof ayaa sheegay inay xalay bandow la  saaray magaalada, hase yeeshee ilo madax bannaan ayaa xaqiijinaya in ciidamada Ethiopian-ka ay bandowga soo rogeen shalaydi horaba.

Dhanka kale xildhibaan Cumar Aadan Xasan (Cumar Dheere) oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ayaa ku eedeeyey Dooxada Shabeelle inay rabaan inay dadka deegaanka xoog ku qabsadaan, isagoo sheegay in ciidan beeleedkii shalay la dagaalamay Dooxada Shabeelle ay ahaayeen iyaguna ciidamo taagersan dawlada KMG oo ku diyaargareysnaa Beledweyne.