Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Hogaanka Khaatumo State O Diyaarsanaya Hubka Wax Guba Iyo Ciidamo Aan Gaban O Ay Isaga Caabiyaan S/L

Sunday - Feb 12, 2012

Tukaraq: Maamulka cusub ee Khaatumo State Ee dhawaanta lagaga dhawaaqay degmada Taleex, ayaa si abaabulan u sii diyaarsanaya ciidamo ay kaga hortagayaan hagardaamada Somaliland ee dhinacooda dulaanka ku soo ah,waxaana la sheegay in ciidamadaas lagu soo aruurinaayo degaanka tukaraq ee ku yaala dhinac gobolka Sool.

Ciidamada Maleeshiyada la uruurinayo ayaa lagu qiyaasay ilaa dhawr boqol oo dhalinyaro ah, kuwaas oo loo diyaariyay tababar ciidan oo ay siinayaan saraakiil iyo saraakiil xigeeno hore uga goostay Somaliland iyo Puntland oo ilo dhaqaale ka helaya dhinacyo kale. Waxaana dhalinyaradaas carbiska tababarka qaadaneysa soo uruurintooda loo xilsaaray odayaal dhaqameedyo ka qaybgalay shirkii Taleex, waxaana loo ballan qaaday ciidankaas cusub gunooyin lacageed oo aan weli la cayimin.

Arrintan abaabulka ciidan ayaa waxa dabada ka riixaya madaxweynayaasha khaatumo State iyo guud ahaan shacabka reer SSC oo iyagu ballanqaaday daryeelka iyo taakuleynta ciidamadaas

Geesta kale Magaalada Buhoodle, ayaa la sheegay in maamulka Khaatumo ay kulamo la yeelatay odayaasha, culimada diinta iyo waxgarad kale, iyaga oo isku booriyey difaaca degaanada SSC iyo qaabkii loogu yaboohi lahaa dhaqaale ay ciidamadu ku hawlgalaan ,

Dhinaca kale shacabka taageersan Khaatumo State, ayaa wada dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo ka socda gudaha iyo dibedaba,kuwaasoo ay ku raadinayso taageero ay u hesho maamulkaan cusub, waxaana ay madaxda Khaatumo qaarkooda kaalmo siyaasadeed la yeesheen madaxda itoobiya iyo jabuuti oo ay ku waydiisanayaan taageero siyaasadeed iyo mid taageero dhaqaale intaba.