Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Shabaab Oo Dibad-Baxyo Ku Khasbay Shacabka Amarna Duldhigay

Monday - Feb 13, 2012

Afgooye:( Shabelle Network) Kooxda Al Shabaab ayaa waxaa la sheegay in ay is hortaagtay in maanta la furo goobaha ganacsi iyo kuwa waxbarasho ee deegaanada ay gacanta ku hayaan, iyagoo dadka ku amaray in ay dhigaan dibadbax ay ku taageerayaan ku biiridiidii Shabaab ee Al qaacidda.

Waxii ka dambeeyay markii shalay galinkii dambe gaadiid codbaahiyaal ay ku xiran yihiin ay ku amreen dadka ku dhaqan deegaanada loo barakacay iyo gobolada ay maamulaan Al Shabaab in aan maanta laga furi karin goobaha ganacsi, iyo dugsiyada waxbarashada ayaa saaka waxaa laga dareemayaa deegaanadaasi cabasho ay muujiyaan ganacsatada qaar ee ku dhaqan halkaasi.

Qaar ka mid ah ganacsatada oo la hadlay Shabelle ayaa waxa ay sheegeen in gabi ahaanba ay saaka xiran yihiin goobaha ganacsi iyo waxbarashada dadkuna ay isku diyaarinayaan in ay ka qeyb qaataan dibadbax dadka lagu qasbay in ay ka qeyb galaan kaasi oo lagu taageerayo ku biiritaankii Shabaab ee Al qaacidda.

Dadka ku sugan deegaanada loo barakacay ayaa waxa ay sheegeen in lagu amaray in maanta ay isugu soo baxaan fagaaro wayn oo ku yaalla deegaanka Calamadda halkaasi oo la filayo in qudbado kala duwan ay ka jeediyaan MasÂ’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Al Shabaab.

Waxaa la arkayey saaka, iyadoo ay xiran yihiin Iskuuladda waxbarashada ee ku yaalla deegaanada ay maamulaan Al Shabaab taasi oo saamayn ku yeelatay arday badan oo ku dhaqan deegaanadaasi sidaasi waxaa yiri goobjooge ku sugan halkaasi oo la hadlay Shabelle.

Kuma cusbo dadka in amaro nuucaani oo kala ah ay Shabaab kusoo rogaan dadka shacabka ah hase ahaatee arintaani ayaa waxa ay saamayn ku yeelatay ganacsiga ka jiray deegaanada ay ka taliyaan Al Shabaab ee Soomaaliya.