Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Shiikh M.Xasaan Oo Wacad Ku Maray Inu Masar Ka Haqab-tiridoono Maal Looga Maarmi-doono Deeqda USA

Monday - Feb 13, 2012

Fadiilat Al Digtoor Shiikh Salafi Maxamed Xasaan oo ah cabqariyada daaciga daacwadaha islaamka  ee dalka Masar ee allana siiyey haybad aftahanimo u hadalka wax ku deeqsiiyo Iyo cilmi ku qotoma aqoon garaad sareeya ayaa maalmahaan isagoo arji baaq diraya wareeysi u siiyey war-baahiyaha TV-ga Masar iyo wargeysyada u ugu yeeraayo shacabka Masar in tuugsiga macaawinada mareykanka tacab iyo iskaa wax u qabso looga kaftoomo oo karaamadi iyo magaci Masar waxyaalada hoos u dhigay aan gudoon iyo talo wada jira wax ku qabsanaa. 

Al-Cabqari Al-Daaci Shiikh Xasaan ayaa si aada uga waramay caga-jugleynta iyo hadadaad ku suntan maxay saas u noqotay ee ay ku baaqayaan dawlada tunkeeda daawatay ee Mareykanka in ay gawraceyso taageeradi mucaawinada 2 bilyan ay siin jirtay dalka Masar hadii aan la soo deyn mawaadinin Mareykan ah oo Qaahira sababo dambiyo khiyaamo qaran loo haysto baaris ku socota awgeed halkaas ku xaniban ..  Shiikha oo hadalkiisi si wata ayaa yiri; Run la hubo furqaan baa leh, wixii maanta ka dambeeya ma dooneyno xod-xodo beena iyo rajo la isku maaweesho iyo lugta in nala ku walaaqo .. col iyo abaar cagahaaga looga baxa .. Mareykan wirig-wirigta iyo xeeladaha gargaarkiisa waa ulajeedo farsamo xun iyo dabin dantiiso qura ku jirta oo doonaya in Masar ay jilbaha ku riiqato, dabadeedna xabaasha anagoo nool nagu ridaan .. Mareykan waa nin meeli u cadahay oo meeli ka madowdahay weyse isla rogi-doontaa waqti aan fogeyn ayuu yiri shiikha

Al- Digtoor Shiikh Xasaan ayaa yiri iminka wadadi cadeyd ayey Masar cagta saartay wixii cadow noo ahaana kacdoonki kadib biyo hoostood isku haraatineynaa, sidaa daraadeed ayuu ku baaqay shiikha in la isu diyaariyo laguna wada duulo gurmad dhaqaale oo ay aruuriyaan shacabka Masar nooc kastaba ay yihiinba si loogu haqabtiro baahida dawlada xaga kobcinta dhaqaalaha iyo deyn bixinta lagu leeyahay oo looga kaftoomo falaadka iyo mucaawano ku sheegi Mareykanka ee saameynta ku lahaa go'aanada siyaasada dalka .. Shiikha ayaa yiri si kastaba oo ruuxa bani-aadamka ahi wax ku raadiyo ilaahay ayaa ugu ballan qaaday inuu ku arsaaqo.

Samadi oo furneyd awgeed shacabka Masar dibad iyo gudo iyagoo ka jawaabaya mashruucaas lacag aruurinta u albaabka u furay shiikh Maxamed Xasaan ayaa daweynaha Masar si qiireysan gees ka gees baaqas ku baraarugeen oo la yiri samcan wa daacan iyo lacg joogta ah oo bil walba la iska jaro .. waxaana hadda la sheegay iney socdaan qorsho hawshaas lagu bilaabayo oo ay horboodayaan Muftiga Masar Iyo Shiikh Al-ashar Maxamed Dayib oo ay isla kaashanayaan golaha shacabka oo la doonaayo iney u sameyaan xeer iyo sharci santuukhaas u gaara .