Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Shirkada Diyaaradaha Turkish Airlines Oo Bilaabeysa Duulimaadyo Ay Ku Tageyso Mogdisho

Wednesday - Feb 15, 2012

Mogadisho: Todobaadkii laba jeer, waxaana duulimaadyadani ay billaabanayaan 06-March-2012, sida lagu yiri warsaxaafadeed maanta ka soo baxay shirkadda Turkish Airline.

Diyaaradahan ayaa waxay kasoo duulayaan garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Ataturk International Airport oo ku yaalla magaalada Istanbuul, waxayna ka soo duulayaan maalmaha Talaalada iyo Khamiista, iyagoo Muqdisho ka laaban doona maalmaha Arbacada iyo Jimcaha.

Warsaxaafadeed ay shirkaddu soo saartay ayaa lagu sheegay in duulimaadyadan ay noqonayaa kuwii ugu horreeyay oo Turkiga ay ka billaabaan Soomaaliya tan iyo markii ay billaabeen howlaha samofalka ah ee ay ku caawinayaan shacabka Soomaaliyeed bishii Ogoosto ee sannadkii hore.

Shirkadda diyaaradaha Turkiga waxay sheegtay in Soomaaliya ay ka mid noqonayso 150 Dal iyo 41 Magaalo oo ay ku tagto duulimaadyo caalami ah toddobaad walba.

Diyaaradaha Turkiga ayaa waxay ku dagaan 187 garoon diyaaradeed oo ku kala yaalla, Yurub, Aasiya, Afrika iyo Ameerika sida lagu sheegay warsaxaafadeedka. Iyadoo Turkiga ay horay u billaabay dayactirka garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Ma jiraan duulimaadyo caalami ah oo Soomaaliya yimaada, waxaana Turkish Airlines ay noqonaysaa diyaaraddii ugu horreysay ee billowda inay duulimaad caalami ah ku timaaddo Soomaaliya tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe sannadkii 1991-kii.