Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Maamulka S/Land Oo Madax-Farad Ka Qaaday Saraakiil Itoobiyan Ah Oo Xaqiiqo Raadis Ku Yimid Buuhoodle

Wednesday - Feb 15, 2012

Magaaladda Buuhoodle oo xarun u ah maleeshiyaad daacad u ah maamulka Khatumo State ee dagaalada dhowrka jeer la galay ciidamada Somaliland ayaa la sheegay inay todobaadkan yimaadeen saraakiil Itoobiyaan ah.

Saraakiishan reer Itoobiya oo aan ilaa hadda si dhab ah loo ogeyn ujeedada ka dambaysa socdaal-kooda Buuhoodle, ayaa la sheegay inay kormeero dhowr ah ku sameeyeen deegaanada ay joogaan Maleeshiyaadka reer Buuhoodle, kormeerkaasi oo la sheegay inuu ahaa inay ogaadaan dhab ahaan khasaaraha ka dhashay labadii dagaal ee u dambeeyay ee jiidaasi ku dhex maray ciidamada Somaliland iyo Maleeshiyaadka reer Buuhoodle ee ku abtirsada Khatumo State.

Saraakiishan ayaa la sheegay inay si toos ah uga yimaadeen xafiiska Raysal-wasaaraha dalka Itoobiya Melez Senewi, waxaana la tilmaamay inay sidoo kale la kulmeen shakhsiyaad door ah oo ka mid ah hogaanka bulshada reer Buuhoodle, inkasta oo aan la garanayn waxyaabaha sida hoose oo ay ka wada hadleen.

Mid ka mid ah Waxgaradka reer Buuhoodle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in saraakiishaasi ahaayeen kuwo laga soo diray xafiiska Raysal-wasaaraha Itoobiya, iyaguna geeyeen meelo ay u baahnaayeen inay tagaan oo ka mid ah deegaanadii lagu dagaalamay iyo hubki laga faramarooqsaday reer Somalland oo ay sawiro ka qaateen

Nin ka mida odayaasha beesha Buhoodle ayaa sheegay saraakiishaas in ay ahaayeen kuwo laga soo diray xafiiska raysal-wasaaraha Itoobiya oo xaqiiqo raadis ah wixii la weydiiyana ay jaawaab ka siiyeen.

Imaanshiyaha saraakiishan Itoobiyaanka ayaa maamulka Somaliland ku sheegtay faro-galin qaawan oo dawlada Federaalka Itobiya ku samaysay dhulka Somaliland waxaana muuqata ayey yiraahdeen in Maleeshiyaadka reer Buuhoodle ay dawlada Itoobiya aanay u aqoonsanayn inay yihiin dad reer Somaliland ah oo wax saluugsan, balse waxay ula macaamilaysaa sidii maamul jira oo dagaal ka dhaxeeyo dawlad kale.