Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Shirki G/we Oo Xaaladiisu Tahay far-Yaro Bidix Ka Bax Marki Qolo kasta U Xagafeysay Amuura U Gaara

Friday - Feb 17, 2012

Saaka ayaa wafdi u hogaaminaayo Madaxweynaha Dowladda KMG ah Shariif Sheekh Axmed si lama filaana oo deg dega ka ambabaxay magaalada Muqdisho, wafdigaaso sida la sheegay ujeedadiisa ay tahay iney shirka Garowe ee xaaladiisu ku socoto far yaro bidix ka sii bax wax talo iyo qancin ka geystaan sidi markaas wax u kala socdaan

Madaxweyne Shariif iyo ergooyin dipolomaasiyeed shisheeye oo la socda ayaa la filayaa iney ka qeyb galaan xiritaanka wejiga labaad ee shirka Garowe, lana filaayo inu halkaas ka jeediyo khudbadi kaga aadan shirkaas ka socda Garowe

Dinaca kale waxaa la sheegaya in shirka u ka jiro buuq badan iyo shaki ay iska qabaan dhinacyada
loo furay madasha shirka oo midba midka kale ku leeyahay hadaanan waxa aan rabo helin irbad duni-gelimeyso,oo halkaas koox-kasta amuura gaara u wada xagaf-xagafeyneysa isagoo mid kasta ku andacoonaya dawlad tayo shraci wanaagsan leh baan raba ..  koleyba natiijada shirka waxaa la ogaandoonaa sacaadaha soo socda oo la filaayo in la soo shaaciyo wixi halkaas ugu dambeynta la isla gartay