Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Nabi al-carabi oo La isku Raacay inu madaxweyne U noqdo Masar

Friday - Feb 17, 2012

War hubaashiisa aad loo sugay ayaa sheegaya in Jeneraalada ciidamada Masar iyo hogaamiyaasha Xisbiga ikhaawanka ayaa marar badan si qarsoodi ah ka shireen sharaxaad  shakhsiga ku haboon in loo sharaxo madaxtanimada Dalka, kadib maskaxda oo la godlisiiyey iyo falaaqeen dood badan ayaa ugu dambeyn la isku waafaqay in Ninka la yiraahdo Nabiil Al-carabi oo iminka haya jagada xoghayaha Jaamacda Carabta la isku raacay inu leeyahay garaadka hogaaminta dalka sidaa darteedna tartankiisa lagu garab istaago

Mr. Nabil al-Carabi isagoo sida muuqata ka ambaqaadaya taageerada u ka helay xisbiga Akhwaanka iyo gaar ahaan ciidamada milatariga oo ay dhinaca kale ka taageerayaan axsaabta libaraalka ayaa lagu wada inu isu soo taago tartanka dorashada Madaxweynaha, hasahaate Xisbiga Salfi ee al-nuur ayaa arintaas al-nabiil weli diidan oo ku andacoonaya in bal marka hore ay arkaan qaabka borogaraamka u ku tartamaayo, waxay kalo sheegeen in shacabka Masar ay sidey doonaan codkooda u door bidayaan iney qofkey rabaan doortaan, waxaase loo baahanyahay in la wax la weydiiyo qaybaha kala duwan ee bulshada ee wata siyaasad gooni wata