Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Labadi Wariye Ee Reer Sweden Ee Ku Xiraa Itoobiya Oo Rajo Laga Qabo Soo Deyntooda

Saturday - Feb 18, 2012

Addis Ababa : Waxaa meel xasaasi ah maraya wadahadal u dhaxeeyey Midowga reer Yurub iyo dawladda Itoobiya, kuwaasoo la doonayo in lagu sii daayo labada wariye ee reer Sweden ee ku xiran magalada adis ababa  oo kala ah Mr.Johan Persson iyo Martin Schibbye.

Dhawaan ayaa waxa kulan gaar ah yeeshay wafti ka socday Midowga Yurub iyo Ra'isalwasaaraha Itoobiya Meles Zenawi. Kulankan oo aan xog badan laga hayn ayaa la rumeysan yahay inaan weli natiijo wanaagsan laga gaarin.

Sarkaal sare oo ka tirsan midawga reer Yurub magaciisa aan sheegin oo ka mida dipolomaasiyinta la xaajooneysa dawlada Itoobiya ayaa sheegay iney rajo fiican ka qaban si deynta labada wariye, balse wada hadalku meel fiican oo xasaasi ah maraayo

Warku waxuu intaa ku daraya Meles Zenawi ayaa shaki weyn ka qaba amarrada xooggan iyo talooyinka aan kala go'a laheyn ee la socda deeqaha reer Galbeedka, taaso keentay in dawlada itoobiya ay xoog saartay xiriirka ay la leedahay reer Bariga gaar ahaan wadamada Shiinaha iyo Hindiya.

Xukumadda Sweden ayaa waxa saaran culeys ba'an oo kaga imanaya shacabkeeda, kuwaasoo doonaya in ay dowladu qaado tallaabooyin deg-deg ah si loo soo daayo wariyaasha.

Wareyaasha Johan Persson iyo Martin Schibbye ayey ciidanka dowlad deegaanka Soomaalida, Liyuu Booliska, ku soo qabteen dagaal ay isaga horyimaadeen kooxda ONLF bishi July 2011. oo labadaan wariye goobahaas ku sugnaa.
Labadan wariye ayay maxkamad ay leedahay dawladda Itoobiya ku xukuntay min 11 sanno oo xarig ah bishi December 2011.