Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

18-kii Gobol Ee Wqtigi Siyaad Bare Oo Dib Loo Soo Celiyey Iyo Qaabka La Isu Raacshay

Sunday - Feb 19, 2012

Tix raac Shabakada Waagacusub oo soo xuuraantay waxyaabha shirka lagu saxiixay : inkasto furfurid iyo faafaahin aan laga soo saarin heshiiska dastuur ee la shaaciyey , hasa ahaate sida guud ahaan duudub loogu qeexay waxaa muuqata in dib loo soo celiyey 18kii Gobol ee ugu dambeeyey waqtig madaxweyne Siyaad Bare iyadoo maamul ahaana la isu raacshay sidaan hoos ku qoran:

1- Awdal,Togdheer,Waqooyi Galbed ,waxay noqon doonaan hal maamul goboleed.
2- Laascaano,Bari iyo Sanaag waxay noqon doonaan hal maamul goboleed
3- Galkacyo,Dhuusomareeb iyo Hiiraan waxay noqon doonaan hal maamul Goboleed
4- Baydhabo,Kismayo iyo Gedo waxay noqon doonaan hal maamul goboleed.
5- Labada Shabelle waxay hoos tegi doonaan Caasimadda Somalia ee Muqdisho taas oo bulshada u dhaxeysa.
Heshiiska waxaa lagu qeexay in Magaaladda Galkacyo guud ahaan lagu biirin doono Maamulka Galmudug oo metelaya Mudug,Galgaduud iyo Hiiraan.
Madaxda Galmudug oo ka biyo diidsanaa inay saxiixaan heshiiska ayaa aqbalay markii loo ansixiyay in Maamulkooda meteli doono sedex gobol.

AWOODAHA MAAMULADA: Waxaa awoodo dheeraadah heshiisku siinayaa maamulada, waxaana hadda maamul goboleedyada jira iyo kuwa iman doona ay yeelan doonaan awood la simantan dawlada dhexe, si ka duwan Axdiga KMG ah oo sheegaya in heshiisyada caalamiga ah iyo arimaha siyaasadda ay masuul ka tahay dawlada dhexe.