Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Raisal Wasaaraha Somaliya C/Wali Gaas Oo Soo Gaaray Magalada Brusseles

Monday - Feb 20, 2012

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta waxaa booqasho rasmi ah oo labo cisho ah uga bilaabaneysaa magaalada Brussels ee dalka Belgium oo xarun u ah Midowga Yurub (EU).

Ra'iisul Wasaare Prof Abdiweli Mohamed Ali ayaa casuumad rasmi ah ka helay madaxda Midowga Yurub oo uu kala hadli doonaa arrimaha Soomaaliya, horumarka baaxadda leh ee laga sameeyey dhanka Roadmap ka iyo shirarkii Garowe oo dhammaan ku dhammaaday guul, horseedna u noqday in Soomaalidu ay dhexdooda ka heshiin karaan, iskuna afgaran karaan arrimaha Soomaaliya.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa kulamo la qaadan doono madaxda Midowga Yurub oo uu ku jiro Madaxweynaha Midowga Yurub Barosso iyo madax kale. Sidoo kale Ra'iisul Wasaarahu waxuu kulamo la qaadan doonaa Golaha Ammaanka ee Midowga Yurub iyo madaxda dalka Belgium.

Sidoo kale Ra'iisul Wasaarahu waxuu la kulmi doonaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee Belgium si uu ugala hadlo horumarka ballaaran ee dowladdu ka sameysey dhanka amniga, xiriirka maamulada, dib-u-heshiisiinta, dhameystirka dastuurka, dib-u-habeynta baarlamaanka iyo shirka London ka dhici doono 23ka February.