Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Beesha Tanade/Leelkase Oo Ka Shireysa Sidi Loo Hormarin-lahaa Degaanada Ay Ku Noolyihiin

Tuesday - Feb 21, 2012

Galdogob City: Waxaa dhambal ahaan nala ku soo gaarsiiyey in xajmi badan ee ergeda shirka ka qaybgaleysa oo safaro dhaadheer Cir iyo Biriba soo maray oo wada hayin u ah sidi ay luunka uga bi'in lahaayeen bulshadooda u haraadsan horumar wax ku ool ah .. shirka oo si heer sare loo agaasimay ayaa ergadaas madashiisa loogu marti-qaaday iyagoo maalmahaanba si is daba jooga u soo gaarayeen goobta shirku ka socdo ee Galdogob, shirkaas waxaa la yiri ujeedaadiisu waa in halkaas maskaxda lagu rogrogo si la isu darensiiyo in waqtiga is guraaya iyo sidey cidi ugu maqneynba bulshada beesha ay dadka degaanka guud ahaan maanta ay u baahanyihiin gubaabo in fadhiga laga kaco si looga baxo waxyaabihi waqtiga uga lumay ee ahaa khuraafad, mala-awaal iyo been la isu qurxiyo, raad muuqda oo eedeysane danbigiisa la dado iyo kuwa la soo jiifa ereyada  wareerka keena sida waxba dhageysanmaayo, waxaan goostay xarigi iyo teydaan ku soconayaa iyo waxaan rabaan sameynayaa taaso dadka degaanka dhaxalsiisay dacfi hormar la'aan iyo hogaan xumo siyaasadeed ee mudaba ragaadisay horumarki beesha.

Shirka oo la sheegay in fadhigiisu todobaadkan gudihiisa furmay ayaa sida la xusay lagu furay aayado Quraana iyado la sii raacshay in wada tashiga la sii xoojiyo taaso loo maraayo tubta toosan, intaa ka gadaal ayaa la sheegaya in halkaas si hufan ay ka bilaabatay hadlado lagu dhiirigalinaayo kaalinta muga weyn ee loo baahanyahay in aqoon-yahanada, tijaarta iyo dhalinyarada kaga qayb qaadan-karaan horumarka degaanka iyo dalka hadey noqon-lahayd arimo dhaqan iyo dhaqaale, waxaana halkaas raga qaarkiis si gaara carabka ugu dhufteen in shakhsiyaadka degaankaa u dhashay ee qurba joogtada ah wax qabadkooda gurmad maanta halkaan loog eegaayo indho fiyow oo aysan dhabarka muujin. 

Waxaa intaa dheer oo goobta shirka iyadana looga sharqamiyey in faca soo koraya loo iftiinsho taariikhda qoran ee beeshu soo martay, iyo halka iminka la joogo iyo cududooda sida loogu baahanyahay, waxaana xusid mudan oo halkaas laga xusay in dad badan aysan u muuqan in xiligaan aysan ku baraarugsaneyn ahmiyada dhalinyarada ay u leeyihiin wax qabadka horumarka degaanka.

Shirka oo la sheegay inu yahay mid dhaqan balse gogol-xaarkiisu yahay sidi loo horumarin lahaa degaanada ay beeshu degantahay iyo mideynta wax soo saarka dhaqaalaha waxuu madashiisu sii socon-doontaa maalmo kale iyadoo ajendadiisa guud ahaan looga hadli-doonaa arimo dhawr qodob ah oo la doonaayo in la meel mariyo oo ay ka mid yihiin:

1- Qodobka ugu horeya ee ajeendada shirka ee go'aan mideysan la rabo in laga gaaro ama ka soo baxo waa kan Midnimada beesha iyo Amaanka .. Midnimada iyo Amaanka waa laba shey oo wada socda iskuna xiran waana laba shay oo qaali ah oo aan la'aantood horumar la gaari karin .. waxay u baahantahay in la isu soo jiido qaybaha kala duwan ee mid waliba siyaasad goni ah wato, waayo kala fikir duwanaashaha siyaasiyiinta beesha waxay keentay in mawqif mideysan ka is taagi-waayaan arima guud iyo mid gaar ahaaneed ee markasta soo foodsaara beesha .. hal jaho in laga duulo iyo hal go'aan oo la qaato waa rajada kaliya ee shirkaan laga qabo.

2- Ajeendada labaad waa sidi iyo qorshihi lagu maalgashan lahaa horumarinta ilaha dhaqaalaha degaanka iyo guud ahaan Horumarka Xaga Waxbarashada gaar ahaan dugsiyada Farsamada sida farsamada Korontada, dhismaha naqshadaha guryaha, najaarnimada, caafimaadka xoolaha, farsamada Baabuurta iyo tubo galinta biyaha, iyo sanco kasta oo bulshadu markasta u baahnaankarto, qofkana u shaqo deg dega ku heli karo.

3- Ajeendada kale oo ah Xaga caafimaadka oo iyagana la maalgashado macaahid lagu barto kalkaaliyaal sare ee caafimadka dadka,biiada degaanka iyo xoolahaba .

4- iyo gaar ahaan wax kasta oo la maalgalinkaro oo horumar u keeni kara dadka degaanka.