Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 18 May 2024

Faysal Cali Waraabe Oo Yiri Shacabka Somaliland Waa Laga Kari La'yahay Qabyaalad Iyo Qaad

Saturday - October 27, 2012

Hargeysa: Gudoomiyaha xaisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in dadka Somaaliland maaro looga la'yahay Qabyaalada iyo qaadka, isagoo tilmaamay in shacabka ay wax walbo uga muhimsan-yihiin labadaas shey' .. hadaan moodaayey in dadka Somaaliland sidaas yihiin oo aysin tixgalin sharciga iyo qaanuunka siyaasadaba ma galeen.

 Faysal ayaa isagoo hadlkiisa si wata yiri, waxaan ogaaday ayuu yiri in dadku waxooduba dhaafsiisaneyn qabyaalada iyo Qaad lagu qayilo, iyadoo sharciguna agtoodab waxba ka ahayn, waxuuna xusay in kii dilaayey markii laga qabto wey ka daba iimaanayaan oo ay ku doodayaan in la soo daayo, waxaana taas u arkaya in bulshada somaaliland itooda badan ay yihiin kuwa aan aqoon u lahayn nidaamka iyo qaranimada.

Warkaan u shegay Faysal Cali Waraabe ayaa ah mid bulshada reer soomaalilan si weyn uga careysiisay, kuna tilmaamay hadalkiisa mid meel ka dhac ku ah qaranimada iyo sharafta umada Somaaliland.