Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 18 May 2024

Tirada Askarta Kaga Dhimatay Somaaliya Oo La Cadeeyey

Thursday - November 1, 2012

Nayrobi-Markii u horaysay waxa la cadeeyay tirada ciidamada Yugaandha kaga geeriyootay hawlgalka AMISOM ee Somaliya, waxaanay tiradaasi hore u ahayd mid sir ah oo aan la soo bandhigi jirin.
Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Mr. Richard Onyonko, ayaa cadeeyay in 2,700 (Laba kun iyo toddoba boqol) oo askari ay dagaalada Somaliya kaga dhinteen dalka Yugaandha, tan iyo sannadkii 2007 oo ay tageen Somaliya. Mr. Richard oo Arbacadii shalay hadal ka jeediyay kulan ka dhacay Nayrobi, wuxuu sheegay inay sidoo kale saddex darsin ka dhinteen ciidamada Kenya ee Somaliya ka dagaalama.
 
Midawga afrika iyo Yugaandha midkoodna weligi  ma cadeyn tirada kaga dhimatay Halgalka AMISOM ee Somaaliya., mar warbaahintu shalay isku dayday iney afhayeenka dalka Ugaandha wax ka weydiiso tiradaan u sarkaalkaan Reer Kenya sheegay iney Somaliya kaga dhimatay laguma guuleysan in khadka telefoonka lagu helo.