Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 18 May 2024

Foosiya X. Aadan Oo Laf-dhuun-gashay Ku Noqotay Dhismaha Dawlada Somaliya Saameyn Xoogana Ku Yee....

Saturday - November 3, 2012

Muqdisho-Dhismihii Xukuumadda Somaliya oo ay ahayd maanta in lagu dhawaaqo Golaheedii Wasiiradda ayay soo food saareen Caqabado kala duwan oo ay Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha Dalkaasi ka tahli kari la’yihiin inay ka talaabsadaan oo ay ku soo dhisaan, waxaana mudadii bisha ahayd ee ay awoodda u lahaayeen ugu danbaysa maanta, taasoo haddii ay ku guulaysan waayaan horseedi doonta inuu fashilmi doono Raysal Wasaaraha Dalkaasi.
 
Foosiya X. Aadan oo ka mid ah Siyaasiyiinta lagu wado inay ku soo bixi doonto Liiska Golaha Wasiiradda Xukuumadda Somaliya ayaa la sheegayaa inay soo food saareen magacaabista Loolano adag oo kaga socda Xildhibaanadda Baarlamaanka iyo Beelaha qaarkood, kuwaasoo diidan in la siiyo Xilka suuqa la soo galiyay oo ah mid awood badan leh.
 
Xildhibaanadda Somaliya ee 28-ka ah ee ka soo jeeda Beesha Isaaq ee Somaliland ayaa la sheegayaa inay Madaxweynaha Somaliya Xasan Sh. Maxamud ka dalbadeen inuu ka noqdo go’aanka uu Wasiirnimadii Beesha Isaaq ku siinayo Foosiya X Aadan, waxaanay ugu baaqeen haddii uu joojin waayo magacaabisteeda inay ka codayn doonaan Xukuumaddiisa marka Baarlamaanka la horkeeno.
Xildhibaanadda Dhulbahante ee Dawladda Somaliya ayaa iyana Madaxweynaha Somaliya ka dalbaday jagada Foosiya uu u magacaabayo inuu Siyaasiyiinta Dhulbahante siiyo, iyagoo hor dhigay haddii uu siin waayo Beesha Dhulbahante inay ka bixi doonto Dawladda Somaliya.
Si kasta ha ahaatee Madaxweynaha Somaliya Xasan Sh Maxamud ayaa isagu ku adkaysanaya inuu Foosiya X Aadan u magacaabo jagadda ay ku Loolamayaan Beelahaasi oo ah Raysal Wasaare ku-xigeenka Somaliya isla markaana ah wasiirka Arrimaha Dibedda, Iskaashiga Caalamiga ah iyo Qorshaynta, jagadaasoo cida qabataa saamayn xoogan ku yeelan doonto wadahadalada Somaliya iyo Somaliland.
Su’aalo iyo jawaabo kala duwan ayaa ka soo baxaya jagadaas haddii ay Foosiya ku guulaysato saamaynta ay Somaliland ku yeelan doonto Mustaqbalkeeda, dadka qaarkii waxay u arkaan inaanay dhibaato ku keenayn Mustaqbalka Somaliland, laakiin dadka qaarkii waxa ay u arkaan inay tahay Fariin dadban oo ay Dawladda Somaliya ku wiiqayso gooni goosatka ay dooneyso somaaliland.
Inkasta oo aanay wali cadayn labada saadaalood ta ay u dhici doonto, hadana waxa jira warar hoose oo sheegaya in Foosiya X Aadan aragtideeda ay taageersan-tahay gooni goosatka Somaliland, isla markaana waxa la sheegayaa inay u Suul-dhabaalaysay Madaxweynaha Somaliya oo ay ku taageertay, iyadoo u aragta inay uga ilko qaboobaan-doonto Siyaasiyiinta kale ee Kursigaasi doonaysa.
Dhinaca kalena, dooda ugu culus ee ah caqabada hortaala Dhismaha Xukuumadda Somaliya ayaa ah afkaarta ay kala qabaan Madaxweynaha, Raysal Wasaaraha iyo Baarlamaanka Somaliya, taasoo ay qaarkood qabaan in tirada wasiiradda lagu koobo sagaal wasiir oo kaliya, halka ay fikradda kale ee ka soo horjeedaa leedahay hala kordhiyo oo Beeluhu ha ka muuqdeen.
Isku soo duuboo caqabadahani haddii aanay Madaxweynaha iyo Raysal Wasaarihiisu maanta ka gudbin waxa ay Xukuumaddoodu noqon doontaa fashilanta oo Somaliya ka kicisa Duufaan Siyaasadeed oo fursad Siin doonta Siyaasadaha Dibeda kaga socda iyo kooxda ay Hirdamayaan ee Al-shabaab