Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 18 May 2024

Baarlamaanka Soomaaliya Oo Laba Qodob Oo Dastuurka Wax Ka Badalay Caqabadna U Dhigay Madaxweynaha

Saturday - November 3, 2012

Muqdisho: Baarlamaanka Somaliya ayaa fadhigoodii maanta wax ka bedel ku sameeyay labada qoddob ee dastuurka Somaliya ee 45aad iyo 92aad, kuwaas oo midkoodna Madaxweynaha Awood u siinayay Baarlamaanka inuu kala diri karo haddii ay Xukuumadda uu soo dhiso Ansixin waayaan, kan kalena uu ahaa Xuduudaha Somaliya haddii ay Dawladd kale ku muranto wadahadal baa laga furi karaa.
 
Labadan qoddob ee ay wax ka bedeleen waxa uu koowaad caqabad ku yahay Golaha Wasiiradda ee laga sugayo inay soo magacaabaan isaga iyo Raysal Wasaarihiisu waxaanay Baarlamaanku xubno ka mid ahi markii ay qoddobkaas laaleen ku hanjabeen inaanay aqbali dooni Wasiiro ka yar 18 inuu soo magacaabo, halka uu isna ka doonayay ugu badnaan inuu toban wasiir ka soo dhigo Xukuumaddiisa.
GoÂ’aanka Baarlamaanka maanta kadib waxa la sheegayaa Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha inay soo food saartay cabsi aanay marka hore ka filaynin arrintan, waayo waxay ku qanacsanaayeen qoddobkaas 45aad inay u adeegsan doonaan Baarlamaanku haddii uu is hortaago Xukuumadda ay soo dhisayaan balse mar kaliya ayay arrinta baarlamaanku maanta wax ka bedeshay qorshahoodii ilaa hada lagama hayo Xukuumaddii ay soo dhisayeen.