Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Liiska Wasiirada Iyo Wasiirka A.Dibada Marwo Fowsiya Xaaji Aadan Oo Ka Hadashay Xilka Loo Magacaabay

Monday - November 5, 2012

Mogadisho:: Wasiirka cusub ee wasaarada arimaha dibada Somaaliya Marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aaden oo markii ugu horesay ka hadashay xilkii loo magacaabay, ayaa sheegtay in midnimada aanay ahayn wax xoog iyo dagaal ku imaankarta, balse wixii lagu wadda raali yahay waa lagu guuleysan-doona

Marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan raiisal wasaare ku xigeenka/ wasiirka arimaha dibada, waxay leedahay khibrad hawleed iyo xirfado aqoon aad u durugsan leh, isla markaana khibrad u leh xiriirada caalamiga, maareynta, gargaarka bani'aadamka, saxaafada, qaramada midoobay, awoodeynta dumarka iyo la-tacaalida saboolnimada.

Fawsiya waxbarasha-deeda  xaga tacllinta saxaafada iyo xiriirka caalamiga ah waxay ku baratay jaamacado caan ah oo ku kala yaala dalalka Faransiiska, Sudaan iyo Mareykanka.

Fawsiya horay ayey xilal sare ka soo qabatay safaaradihi ay somaaliya ku lahayd dalalka Jarmalka, Faransiiska iyo iyado hadda Noqotay Wasiirka Khaarajiga Somaliya .. marwo Fowsiya waxay hore ugu dhaxday marxuum Jeneraal Abukar Aftooje oo ay u dhashay laba wiil.

Liiska Wasiiradda Somaliya oo ay ugu horeyso Foosiya Yuusuf Xaaji Aaden ayaa kala ah sidaan:

Marwo/Fowsiya Yuusuf X Aadan – Ra’iisul-Wasaare ku-xigeen, ahna Wasiirka Wasaarada Dibada

Abdullahi Abyan Nuur – Wasiirka Wasaaradda Garsoorka, Arrimahiinta & Awqaafta

Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga.Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga, ahaana Raysal-wasaare ku-xigeen; Guddoomiyihii hore ee Guddiga Abaaraha.

Cabdikariin Xuseen Guuleed – Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.

Maxmuud Xasan Suleymaan (Cawil) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Qorsheynta.  

Cabdulaahi Ciil-mooge Xirsi – Wasiirka Wasaaradda  Warfaafinta iyo Isgaarsiinta.

Cabdirisaaq Cumar Maxamed – Wasiirka Wasaaradda Kheyraadka Dalka.

Muxyadiin Maxamed Kaalmooy - Wasiirka Wasaaradda  Hawlaha Guud iyo Dib-u-dhiska.

Drs Maryan Qaasim  -  Wasiirka Horumarinta Adeega Bulshada.

Maxamud Axmed Xasan – Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha”