Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Maa-maah Carabi Ah Ayaa Waxa Ay Tiraahda: Nasiibku Dhagax Ayuu Kala Jeexa .. Nin Malayiin Doolar Ku Helay Soo Jeedin Xaaskiisa U Ka Yeelay .. Ha Dhayalsan Amarka Xaaskaaga Oo Deg Deg U Yeel

Monday - April 15, 2024





Nin Xisaabiye Maraykan Ah Oo Lagu Magacaabo "Tayeb Souami " Isla Markaana Xisaabiye Ka Ahaa Shirkad Cuntada Samaysa  Ayaa 5 Dollar Ku soo Iibsadey Sanduukh Sharab- Casiir Ah, Markii Uu Gurigiisa Ku soo Laabtay Ayuu Xaaskiisu Waydiisay Qiimaha Uu Ku soo iibsaday Casiirkaas, Waxa Uu Usheegay In Uu Shan Doollar Ku soo Iibiyay , Waa Ay Ku Xanaaqday Waxayna Ku Amartay In Uu Celiyo Casiirkaan Taas Baddalkeedana Iu Dukaanka Xaafadooda U Dhaw Uu Ku soo Iibsado 2.5, Oo Ah Haaf Lacagtii Hore, Yacni Waxay Ku canaanatay In Uu Xoolo khasir Yahay Oo Uu Xoolo Burburinayo.

Mr. Tayeb Souami Waxa Uu Ka Baxay Gurigii Si Uu Uga Badbaado Dhib Uu Kala Kulmo Xaaskiisa Waxaanu Ku Adkaysatay In Uu Sanduukha Casiirka Ah Celiyo .. Tayeb Souami Inta Uu Sanduuqii Casiirka Ahaa Celiyey Ayuu Iibsadey Sanduuq Kale Oo Uga Jaban Sicirka Qiimihisuna Yahay 2,5 Oo Dollar , Intii Aanu Ka Bixin Dukaankii Uu Casiirka Ka Iibsadey Ayaa Waxa Uu Akhriyey Xayaysiis "Bakhtiyaa Nasiib Ah", Oo Abaal Gudkiisuna Dhan Yahay Malaayiin Dollar Mr. Souami Waxa Uu Ku Fekerey In Uu Ku Iibsado 2.5 Dollar Ee Uga Soo Haray Sanduuqa Casiirka Ah Ee Uu Celiyey Laba Tigid Oo Uu Ku Galo "Bakhtiyaa Nasiibka" Sidii Ayaanu Yeelay Oo Waxa Uu Ku Ridey Sanduuqii Nasiibka Laba Tigid Oo Magaciisu Ku Qoran Yahay,

Maalin Labaadii Ayuu Ubaxay Souami Si Uu Usoo Dhaqo Baabuurkiisa , Kadib Waxa Uu Istaagey Goob Baabuurta Shidaalka Lagaga Shubo Oo La Yidhaado 7-Eleven , Waxaanu Waydiiyey Shaqaalihii Natiijadii Tigidhada Iyo Cida Heshay Bakhtayaa Nasiibkii , Tigidhkii Ugu Horeeyey Waxa Uu Noqday Mid Aanu Souami Ku Guulaysan , Balse Ninkii Shaqaalaha Ahaa Ayaa Isaga Oo Aad Naxsan Codkiisana Kor Uqaadaya Ku Dhawaaqay "O My God” ,

Ninki "Tayeb Souami" Aad Ayuu Ugu Naxay Markii Uu Ninka Shaqaalaha Ahi Ku Wargeliyey In Uu Ku Guulaystay "Bakhtiyaa Nasiibka" Qiimihiisu Dhan Yahay 315,300,000 Oo Doolar , Tayeb Souami Wuu Is Hayn Kari Waayey Oo Waxa Ku Dhacay Filan-Waa Waanu Rumaysan Waayey , Isaga Oo Ka Waramaya Sida Ay Wax U dhaceen Ayaa Waxa Uu Yiri Gacmaha Ayaa I gariirayey Oo Dareenkaygu Muu Ahayn Mid Aan Anigu Gacanta Ku Hayo Oo Aan Kantarooli-Karo Waxayna Igu Qaadatay In Aan Guriga Gaaro Laba Saacadood ,

Kadibna Waxa Aan Ka Dul Dhacay Xaaskayga Aniga Oo Ooyaya Oo Ku Turunturoonaya Hadalka Wayna Yaabtay Xaalada Aan Ku Sugnaa , Markii Aanu U sheegay La Yaabka Iyo Hantida Aan Ka Helay Sanduuqii Casiirka Ah Ee Ay Igu Qasabtay In Aan Celiyo Iyaduna Waxa Ay Gashay Farxad Iyo Uqaadan-Waa Ka Daran Tii Aan Ku Jirey

Ninka Ay Xaaskiisu Ka Codsato In Uu Wax Dib Uceliyow Degdeg Ucarar Oo Haka Daahin !